Home Wararka Caalamka Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo dib u bilowday meel u dhow Caasimada...

Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo dib u bilowday meel u dhow Caasimada Nagorno-Karabakh oo rasaas laga maqlayo

0

Dagaalka culus ee u dhaxeeyey Armenia iyo ciidamada Azerbaijan ayaa dib u qarxay Sabtidii madama la isku khilaafsanyahay dhulkii gooni u goosadka ee Nagorno-Karabakh, saraakiisha labada dal ayaa sidaas yidhi.

Ciidamada Armenia iyo Azerbaijani waxay umuuqdaan kuwa dhagaha ka fureystay baaqyadii usbuucan ee Mareykanka, Faransiiska iyo Ruushka ee ahaa in xabad joojin deg deg ah laga sameeyo Nagorno-Karabakh, oo ah gobol ay ka soo jeedaan qowmiyada Armenia oo ka go’ay Dalka Azerbaijan.

Saraakiisha Wasaaradda Difaaca Armenia waxay sheegeen inay iska caabiyeen weerar ballaaran oo Azerbaijan kusoo qaaday dhanka safka hore ayna soo rideen seddex diyaaradood.

Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa beenisay wax diyaarado ah oo la soo riday waxayna sheegtay in shaqaalaha Armenia ay duqeeyeen dhul ay degan yihiin dad rayid ah.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay in ciidamadiisa ay la wareegeen Sabtidii tuulada istiraatiijiga ah ee Madagiz.

Weerarada ayaa dhacay kadib markii Stepanakert, oo ah caasimada gobolka, ay ku dhaceen lagana maqlay rasaasta Azerbajan warbaahinta ayaa sheegtay sidaasi.

Dagaalku waxaa ku dhintay ugu yaraan 150 qof oo labada dhinac ah oo rabshado ka wada gobolka konfurta Caucasus tan iyo markii uu dagaalku billowday Sebtember 27, sida labada dal sheegeen.

Madaxweynaha Azerbaijan ayaa dalbaday ka bixitaanka Armenia ee Nagorno-Karabakh inay tahay wadada kaliya ee dagaalka lagu joojin karo.

Labada dhinacba waxay horay u diideen dalabyada xabad-joojinta ee gobolka lagu muransan yahay, halkaas oo dagaalladu ay ku sii fidayeen maalmihii la soo dhaafay taasi oo horay u dhicin tan iyo 1990-yadii.

Gooni u goosatada Armenia waxay ka qabsadeen Nagorno-Karabakh Azerbaijan dagaal dhiig badani ku daatay 1990-yadii oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 30,000.

Wadahadalladii lagu xalin lahaa isku dhaca ayaa hakad galay tan iyo heshiiskii xabbad joojinta ee 1994 ee Armenia, Azerbaijan iyo Nagorno-Karabakh.

Dadaalo nabadeed oo ka dhacay dagaalkii Nagorno-Karabakh, oo ay dhexdhexaadiyeen kooxda Minsk, oo ka kooban Mareykanka, Faransiiska iyo Ruushka ayaa burburay sanadkii 2010.

Somaliska Ankara

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here