Home Wararka Caalamka Britain oo qorsheyneysa inay diiddo muhaajiriinta sharci darrada ku soo gala Dalkeeda

Britain oo qorsheyneysa inay diiddo muhaajiriinta sharci darrada ku soo gala Dalkeeda

0

Dawladda Ingiriiska ayaa joojineysa magangalydoonka soo galaya dalkeeda kuwaasi oo si sharci daro ah ku imaanaya wadankeeda.

Shuruudo cusub oo uu soo bandhigi doono wasiirka arimaha gudaha ee Britain Priti Patel maanta oo Axada ayaa qeyb ka ah Qorshaha Dowlada ee dhanka Qaxootiga.

dowlada ayaa soo bandhigi doonta “sharciga xuduudeeda cadaalad ah,” iyadoo qeexaysa qorshaheeda nidaamka muhaajiriinta loola dhaqmayo si ka duwan hadii ay lacag siiyaan kooxaha dambiilayaasha ah si ay uga caawiyaan imaatinka Ingiriiska.

Wadooyin cusub oo sharci ah ayaa loo abuuri doonaa kuwa halista dhabta ah ugu jira waxyeello soo gaarta, dambiilayaasha ajaanibta ah iyo magangelyo-doonka aan halista ku jirin oo dib loo celindoono sida warbixinta lagu sheegay.

“Xilligan, qof kasta oo yimaada waddankeenna oo dalbanaya magangelyo, waxaa loola dhaqmayaa si isku mid ah, iyadoo aan loo eegin waddada ay ka soo galeen waddankeenna – taasna ma aha mid sax ah,” ayay Patel u sheegtay thetimes.uk wareysiga ay siisay. Wargeyskan kasoo baxa London.

Horraantii toddobaadkan, dawladda Ingiriiska ayaa dhaleecayn kala kulantay kadib markii ay warbaahintu qortay in goobaha shidaalka laga ilaaliyo Magangalyo-doonka iyo in Darbi laga dhiso goobaha ay kasoo gudbaan.

Somaliska Stockholm

Turjumay Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here