Codbixiyeyaasha Switzerland waxay si aqlabiyad leh u diideen soo jeedin lagu xadidayo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka iyo socdaalka ee Midowga Yurub codbixinta oo dhacday maanta oo axad ah.
Saadaal ay baahisay idaacada wararka ee SRF ayaa soo jeedisay ku dhowaad saddex meelood labo meel codbixiyaasha inay diidaan qorshaha.
Warbaahinta dadweynaha ee SRF ayaa saadaalisay in 63% codbixiyayaashu ay u codeeyeen mooshinka, kana soo horjeedaan 37%.
Aftida Axadda waxaa bilaabay xisbiga caanka ah ee Swiss People Party (SVP), oo sheegay in xeerarka hadda jira ay u oggolaanayaan celcelis ahaan 75,000 oo muwaadiniin EU ah sanadkiiba inay galaan, taasoo horseedeysa dad badan, qiimaha guryaha oo sii kordhaya iyo nidaam daryeel oo xumaaday.
SVP, oo dhistay barnaamijkiisa ku saabsan cambaareynta saameynta Midowga Yurub ee gudaha Switzerland, ayaa ka digtay in dalka uu wajaho “muhaajiriin aan la xakamayn oo xad-dhaaf ah.”
Xisbiga wuxuu ku baaqay in la joojiyo isu-socodka xorta ah ee dadka ee u dhexeeya Switzerland iyo waddamada EU-da.
Hindisahan oo loo codeeyay oo qayb ka ah nidaamka dimoqoraadiyada tooska ah ee dalka, ayaa loogu baaqay Switzerland inay dib u eegis ku sameyso dastuurkeeda si loo hubiyo inay si iskeed ah u go’aansan karto siyaasada socdaalka.
Somaliska Stockholm Xigasho/DW