Home Wararka Maanta Sharciga ayaa dib looga ceshtay markii uu sheegay in Magaciisa qaldanyahay isagoo...

Sharciga ayaa dib looga ceshtay markii uu sheegay in Magaciisa qaldanyahay isagoo u tagay Booliska ( Qiso Layaab ah )

0

Francis Solomon wuxuu haystay wax kasta sida shaqo iyo nolol gudaha wadanka Norway lakin maalin ayuu go’ansaday in uu runta ka sheego magaciisa iyo Da’diisa oo qaldan isagoo intaasi kadib booliska u tagay una sheegay qaladka jira.

Francis Solomon/ Photo Libe

Francis Solomon wuxuu yimid Norwey 2003 markaasi oo aabihiis ka caawiyay imaatinka wadanka kadib markii lagu soo daray Haweeney ay saaxiibo yihiin Aabihiis xiligaasi aabihiis ayaa u sheegay in uu magaciisa badalo isla markana uu qaato magaca ay Haweeneydan ku wadeyso oo ah wiil ay ayada dhashay oo kale.

waqtigaasi da’diisa runta waxay aheyd 21 sano jir waxana uu dhalay hal gabar oo lagu magacaabo Yenneh taasi oo dhoor sano kadib uu keenay wadanka norway.

Sanadkii 2010 ayuu go’an saday in uu tago xaruunta booliska isagoo u sharaxay sida ay sheekadan ku dhacday isla markana aabihiis uu ka danbeeyay uusan isaga ka warheenin.

Hay’ada UDI oo Qaxootiga u Qaabilsan Norwayaa markaasi dib uga ceshatay Sharciga Deganaanshaha rasmiga waxayna siiyeen mid ku meel gaar ah oo la cusbooneysiiyo lakin sheekadiisa ayaa mar kale soo ifbaxday kadib markii ay 18 sano jirsatay gabadhiisa uu wadanka keenay.

UDI ayaana guud ahaan sharciga ka ceshatay waxayna ay u sheegeen in ay isku filantahay gabadha uu masuulka ka ahaa isla markana uu wadanka isaga baxo.

Waa sheeko layaab ah Buug ayuuna ka qoray.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here