Home Wararka Caalamka Dagaal dib uga Qarxay wadamada Armenia iyo Azerbaijan

Dagaal dib uga Qarxay wadamada Armenia iyo Azerbaijan

0

Dagaal ayaa markale dib uga qarxay inta udhaxeysa Armenia iyo Azerbaijan kaas oo salka ku haya muranka gooni goosadka ee Nagorno-Karabakh.

Labada dhinacba waxay midba midka kale ku eedeynayaa sii kordhinta dagaalka iyo bilaabashada Dagaalka, madama dagaalka uu yahay kii ugu xumaa mudo dhoor sano oo khilaafka jiray.

Dagaalka udhaxeeya labada dal ayaa qarxay maanta oo Axada iyadoo la helayo macluumaad ku saabsan qasaaraha soo kala gaaray labada dhinac

Sida laga soo xigtay dowlada Nagorno-Karabakh, tiro dad rayid ah ayaa ladilay waxaana la sheegayaa in toban askari ladilay. Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee Armenia ayaa sheegay in laba qof oo rayid ah oo haweeney iyo cunug ay ku dhinteen duqeynta Azerbaijan. Dhinaca Azeri, waxaa lagu sheegay in dhowr qof oo muwaadiniin ah la dilay lix kalena la dhaawacay. Macluumaadkaasi lama xaqiijin ilaa hada.

Raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pasjinian ayaa sheegay in Azerbaijan ay werarro baaxad leh ku qaaday bulshooyinka ku nool Nagorno-Karabakh iyo in ciidamada Armenia ay uga jawaabeen toogashada laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah iyo saddex diyaaradood.

“Dowladdu waxay go’aansatay inay ku dhawaaqdo dagaal iyo abaabul guud,” ayuu Pasjinian ku qoray Facebook.

Wasaaradda gaashaandhigga ee gobolkaas ayaa gelinkii dambe ee maanta sheegtay in afar diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Azerbaijan, 15 drones iyo toban taangi ay ku burbureen dagaalka.

Azerbaijan, ayaa dhankeeda, ku eedeysay Armenia inay soo qaaday weerarada.

Madaxweyne Ilham Aliyev ayaa yiri “Waxaan difaaceynaa dhulkeena, qadiyadeena waa mida saxda ah,” ayuu yiri madaxweyne Ilham Aliyev oo khudbad u jeedinayay shacabka.

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalku waxay sheegaysaa inay qabsatay oo “xoreysay” lix tuulo oo ay ka maamusho Armenia oo ku teedsan jiidda hore ee gobolka.

Somaliska Ankara Source/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here