Home Wararka Caalamka Dadkee ayaa laga Ceshanayaa Sharciga Deganaanshaha Rasmiga ” Wasiirada Socdaalka Sweden oo...

Dadkee ayaa laga Ceshanayaa Sharciga Deganaanshaha Rasmiga ” Wasiirada Socdaalka Sweden oo ka jawaabtay

0

Dhawaan Dowlada ayaa shaacisay in ay wado Qorshe Sharciga Deganaanshaha Rasmiga looga Ceshanayo Dadka Magangayo doonka ah ee Dalka ku Nool.

Wasiirada Socdaalka Sweden Maria Malmer ayaa Idaacada Dowlada Sweden u sheegtay in Badalka Sharciga Deganaanshaha Rasmiga uu Quseeyo Dadka Magangayo doonka oo kaliya.

Maria ayaa intaasi ku dartay in Dadka Shaqo ahaanta Dalka ku soo gaaray ama Shaqo ahaan Sharciga Rasmiga ku heesto uusan Quseyn Qorshaha Cusub.

Heshiis ay wada gaareen Xisbiyada Garabka Midig ayaa dhigaya in guud ahaan la joojiyo Bixinta Sharciga Deganaanshaha Rasmiga ee hada jira.

Tirakoob ay dhawaan soo saartay Laanta Socdaalka ayaa ku Cad in 69,022 Qof ay heestaan Sharci Daganaansho oo Magangalyo la Xiriira ah halka 16,520 lagu tiriyo Ogolaansho Shaqo.

Ugu Danbeyn Dowlada ayaa la filayaa sida ay ku Wajaheyso Qorshaha Cusub ama Sharciga Cusub oo Deganaanshaha Rasmiga looga qaadayo iyo Waqtiga uu bilaabanayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here