Dadka Aqoonta leh oo Sharciga Deganaashaha Rasmiga la siinayo, Dowlada Sweden oo Xooga Saareysa

Foto: Jonas Ekströmer / TT

Dowlada Cusub ee Sweden ayaa tan markii lasoo dhisay balan-qaaday isbadalo Cusub oo lagu soo kordhinayo Dhanka Socdaalka iyo Arimaha soo galotiga.

Dhawaan ayay dowlada sheegtay in Sharciga Rasmiga ee Deganaanshaha loo badali karo mid ku meel gaar ah iyadoo qorshahaasi durba la bilaabay sahmintiisa.

Xukuumada ayaa sheegtay in Dadka aqoonta leh ee Sweden ku nool uusan saameyn ku yeelandoonin Qorshaha Cusub ee Dowlada Qorsheeneyso.

Wasiirada Socdaalka Maria Malmer Stenergard ayaa sheegtay in Dowlada ay Xooga saareysa Dadka Aqoonta leh ee Soogalootiga.

Qorshaha Dowlada ee dadka Aqoonta leh ayaa ah in loo Fududeeyo inay ku noolaan karaan Sweden mudo dheer.

Somaliska Stockholm

Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*