Home Wararka Sweden Dad badan oo shaqo la’an ku ah Sweden mudo dheer

Dad badan oo shaqo la’an ku ah Sweden mudo dheer

0
Foto: TT

Dad aad iyo aad u tiro badan ayaa bilaa shaqo ah muddo dheer. Dhawaan 200,000 oo qof oo Iswiidhan jooga ayaa bilaa shaqo la’aan noqonaya sanad.

Qaar badan oo shaqo la’aan ah waa dhalinyaro iyo dad ku dhashay dal ka baxsan Yurub.

Xafiiska shaqada ayaa ka caawin doona dadka inay helaan shaqooyin cusub. Dadka muddo dheer bilaa shaqo ah waxaa ku adkaata inay shaqo cusub helaan. Waxaa jirta qatar in aysan waligood helin shaqo cusub. Taasi waa waxa ay leeyihiin kuwa ka shaqeeya Xafiiska Shaqada.

Fayraska corona wuxuu sii adkeeyay xitaa helitaanka shaqo. Sidaa waxaa yiri khabiirada ka shaqeeya xafiiska shaqada.

Laakiin waxaa jira shaqooyin in la helo. Waxaa jira shaqooyin warshadaha, daryeelka caafimaadka iyo iskuulka. Laakiin dadku waxay u baahan yihiin caawimaad si ay u helaan waxbarasho si ay ugu shaqeyn karaan halkaas.

Dowlada, Xisbiga Centerpartiet iyo Liberalerna ayaa go aansaday in la siiyo in ka badan 400 milyan oo karoon oo ah lacagta Sweden si dadka looga caawiyo inay shaqo helaan. Lacagta ayaa ka dhigaysa dadka yar in ay shaqo la’aan noqdaan muddo dheer.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here