Home Wararka Maanta Corona oo dib ugu laabtay Italy iyo Xaruumaha qaar oo dib loo...

Corona oo dib ugu laabtay Italy iyo Xaruumaha qaar oo dib loo xiray

0

meelaha diskowga lagu ciyaaro ee itlay iyo meelaha lagu caweeyo habeenkii ayaa la xiray seddex toddobaad ka dib markii la ogaaday tirada kiisaska cusub ee corona oo aad u kordhay.

Wareegtada oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Caafimaadka Roberto Speranza, kaasoo dhaqan galaya Isniinta, ayaa sidoo kale micnaheedu yahay in fiidkii iyo habeenkii – laga bilaabo 18 illaa 06 – ay  qasab noqondoonto in la xirto marada afka meelaha dadweynaha sida meelaha dadku isugu yimaadaan.

hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Spain ay sidaasi si lamid ah shaacisay sabtidii aan soo dhaafnay.

Qaar ka mid ah gobollada Talyaaniga, sida Calabria ee koonfurta, ayaa durbadiiba xidhay xarumahooda madaddaalada, halka kuwo kale, sida Sardinia, ay doorteen inay ka dhigtaan kuwo furan.

Talyaaniga ayaa Axadii sheegay in ka badan 250,000 kun uu ku dhacay xanuunka corona halka 35,000 ay u dhinteen xanuunka sida laga soo xigtay  jaamacada American Johns Hopkins.

Somaliska Rome

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here