Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqi doona ka bixitaanka askar dheeraad ah Wadamada Ciraaq iyo Afghanistan maalmaha soo socda, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa sidaa sheegay Talaadadii.
Sarkaalka ayaa u sheegay wariyeyaasha la safraya madaxweynaha inay filayaan in Arbacada lagu dhawaaqo ka bixitaanka Ciidanka ku sugan Ciraaq, iyo Afghanistan gaar ahaan maalmaha soo socda.
Intii uu socday kulan uu la yeeshay Raiisul Wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhemi bishii Agoosto, Trump wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka baxayaan Ciraaq laakiin ma uusan siin wax jadwal ah.
Wadahadalada labada Madaxweyne ayaa yimid iyadoo weeraro lala beegsaday bartilmaameedyo Mareykan ay ku suganyihiin oo dagaalyahano taageersan Iiraan ay ku qaadaan iyadoo dowladda Ciraaq ay wajaheyso baaqyo ah in dalka laga saaro ugu yaraan 5,000 oo ciidamo Mareykan ah oo la geeyay dalkaas oo qeyb ka ah dadaalada ka dhanka ah jihaadka.
Milatariga Mareykanka ayaa ka baxay ciraaq dabayaaqadii 2011, isagoo ka tagay Ciidan yar oo ilaalo ka ahaa safaarada Mareykanka.
Laakiin Ciidan dheeri ah oo Mareykan ah ayaa la geeyay dhowr sano ka dib si ay u taageeraan ciidamada Ciraaq ee dagaalka kula jira dowladda Islaamiga, oo qaaday guluf ba’an xagaagii 2014.
Dhanka Afgaanistaan hadda waxaa ku sugan 8,600 oo askari oo American ah iyadoo la tixraacayo heshiis laba-geesood ah oo ay kala saxiixdeen bishii Febraayo labada dhinac ee Washington iyo Taliban.
Pentagon-ka ayaa sheegay bishii Ogosto in hadafkoodu ahaa inay hoos u dhigaan in ka yar 5,000 oo askari iyada oo wadahadalada nabada ee Afghanistan ay horumar laga gaaray.
Trump wuxuu horey u xusay wareysi uu siiyay Axios in dadaalka Aqalka Cad looga golleeyahay in ciidanka la gaarsiiyo 4,000 ilaa 5,000 oo askari oo ku sugan Afghanistan doorashada madaxtinimada ee dhici doonta bisha November.
Marka la eego heshiiska Mareykanka iyo Taliban, dhammaan ciidamada shisheeye waa inay ka baxaan waddanka gu’ga 2021, iyadoo lagu beddelayo ballanqaadyo amni.
Somaliska USA
Tifaftiray/Turjumay Somaliska
Source/