Home Wararka Maanta Dowlada Ingariiska oo soo saartay Sharci Cusub iyo Ganaaxyo lagu muteesan karo...

Dowlada Ingariiska oo soo saartay Sharci Cusub iyo Ganaaxyo lagu muteesan karo Qofka Jabiya Sharciga

0

Xukuumadda Raiisel Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa mamnuucday isu imaatinka bulsheed ee in kabadan lix qof gudaha England iyadoo lagu dadaalayo sidii loo xakamayn lahaa kiisaska sii kordhaya ee coronavirus.

Photo/Reuters

Xayiraada ayaa lagu dhawaaqay fiidnimada shalay, waxana lagu wadaa inay dhaqan gasho Isniinta soo socota waxayna khuseysaa isu imaatinnada gudaha iyo dibadda.

Waxa laga reebay Qoysaska hore ugu noolaa in ka badan lix qof  Sidoo kale ma khusayso iskuulada, goobaha shaqada, aaska, meherka qaar, iyo isboorti qaar.

Jebinta sharciyada waxa uu qofka ku muteesan karaa ganaax dhan 100 ama $ 130 . Ganaaxu waxa uu gaari karaa ilaa £ 3,200.

Talaabadan ayaa timid iyada oo tirada wadanka ee kiisaska coronavirus ee la diiwaan galiyay ay sii kordhayaan, kaasi oo inta badan ku dhacay dhalinyarada.

Saraakiisha caafimaadku waxay diiwaan geliyeen 2,948 kiisas cusub oo ah COVID-19 Isniintii guud ahaan Boqortooyada Ingiriiska. Axadii, 2,988 kiis ayaa la diiwaan geliyey.

Somaliska London

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

Xigasho/businesinsider

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here