Home Wararka Maanta Jimmie Åkesson oo dhoor mar ku dhex Qufacay gudaha Barlamaanka Sweden isagoo...

Jimmie Åkesson oo dhoor mar ku dhex Qufacay gudaha Barlamaanka Sweden isagoo Khudbad jeedinaya

0

Hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna ayaa shalay ka maqnaa furitaanka kalfadhiga Barlamaanka sababo la xiriira Hargab iyo qabow hayay lakin maanta ayuu yimid Xaruunta Barlamaanka isagoo jeediyay Khudbadiisa Xisbiga.

PHOTO: LOTTE FERNVALL

Mudada uu ku jiray Khudbada ayuu qufacay dhoor jeer oo kala duwan waxaana durba warbaahinta Qoreen in Jimmie Åkesson uu qabo Xanuunka Corona isla markana uusan raacin talada Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha.

Khudbadiisa kadib ayaa la waydiiyay Sababta uusan u raacin talada hay’ada Caafimaadka Dadweynaha madama uu dhoor jeer ku dhex qufacay gudaha Xaruunta Barlamaanka waxana uu lasoo baxay mobilkiisa isagoo Akhriyay fariinta Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha oo Mobileka ugu jirtay waxana uu yiri.

”Qandho ayaa i haysay usbuucii la soo dhaafay oo dhan, illaa Sabtida, ayuu yiri esskesson mar uu u waramey Aftonbladet waxa uu intaasi ku daray.

“Joog guriga ugu yaraan toddobo maalmood laga bilaabo bilawga astaamaha ugu horreeya. Sidoo kale waa inaad qandho la’aan noqoto labadii maalmood ee ugu dambeysay. Si kastaba ha noqotee, weli waxaad yeelan kartaa qufac qallalan iyo ur iyo dhadhan beel, laakiin haddii aad wanaag dareento oo ugu yaraan toddobo maalmood ka soo wareegtay markii aad xannuunsatay, waxaad ku laaban kartaa shaqada, iskuulka ama dugsiga barbaarinta. ”

– Aad ayaan ugu qanacsanahay haddii aanan ku noqon lahayn shaqada, in loo soo jeedin lahaa  dhaleecayn badan. Waxaan go’ansaday inay macquul tahay inaan maanta halkaan imaado, ayuu yidhi Åkesson.

Jornalka SD ayaa shalay baahiyay in Åkesson uusan imaan karin fadhiga Barlamaanka madama uu ku dhacay Hargab.

Somaliska Stockholm

Tifaftiray Somaliska

Source/Aftonbladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here