Home Wararka Caalamka Ciidamada Israa’iil ayaa ol’ole kale ka fuliyay Daanta Galbeed ee la haysto

Ciidamada Israa’iil ayaa ol’ole kale ka fuliyay Daanta Galbeed ee la haysto

0
Foto: Maya Alleruzzo / AP / NTB

Ciidamada Israa’iil ayaa ol’ole kale ka fuliyay Daanta Galbeed ee la haysto.

Wiil dhalinyaro ah ayaa xabad ay rideen ciidamada Israa’iil haleeshay kahor inta aan la xirin habeenimadii Sabtida Koonfurta Galbeed ee janiin sida laga soo xigtay wakaaladda warrarka ee Falastiiniyiinta.

Barqanimadii maanta oo Axad ah ciidamada Isra’iill ayaa xoog ku galay magaalooyin badan oo ka tirsan Ramallah iyo Al-Bireh, waxayna u daateen guryo ay degan yihiin Falastiiniyiinta, waxaana ay sameeyeen xarig iyo baaritaanno ballaaran.

Hawlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday xaafaddaha Masrac Qarbiya, Caaruura, Bi’ri Sayt, xerada jalisoom, Baytu Riima, iyo waqooyiga Ramallah.

Wakaaladda Wafa ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay xireen Dalal iyo Fatima Al-Caaruuri oo la dhashay Saalax Al-Caruuri oo ahaa ku xigeenkii madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, kaas oo labadii bishan lagu dilay caasimadda Lubnaan ee Beyruut.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here