Home Wararka Maanta Caruurta laga soo tuuray Balakoonka Guri ku yaalla Xaafada Hässelby oo laga...

Caruurta laga soo tuuray Balakoonka Guri ku yaalla Xaafada Hässelby oo laga Warbixiyay

0
Foto: Fredrik Sandberg / TT

Mid kamid ah Wargeysyada Sweden ayaa ka hadlay Caruur dhawaan laga soo tuuray guri ku yaalla Xaafada Hässelby kuwaasi oo mid kamid ah u dhintay dhaawaca.

Aftonbladet ayaa qoray in Aabaha Dhalay Caruurta uu ahaa Qof Qaba Xanuunka dhimirka iyadoo looga shakisanyahay dilka caruurta.

Wargeysku waxa uu sheegay in Aabuhu uu dhawaan noqday shaqo la’aan.

Hay’adaha Garsoorka dalka ayaa go’aan ku gaaray in Aabahaasi xabsiga loo taxaabo, kadib markii looga shakiyay inuu dilay Wiilkiisa iyo inuu isku dayay inuu dilo gabadhiisa.

Hooyada ayaa la sii daayay, xalay, cadeymo la’aan darteed, laakiin shaki ayaa weli ku jira iyada.

Mid ka mid ah dadka deriska ah ayaa yiri, “Ma fahmin sida ay tani u dhici karto… kuwa yaqaana waxay yiraahdaan gabi ahaanba wuu deggan yahay. Qofna ma moodin in wax sidan oo kale ah ay dhici karaan, sababtoo ah waxa uu ahaa qof dad badan oo deggan.

Ninka la tuhunsan yahay ayaa horay u ahaa darawal tagsi iyo adeegga gaadiidka dadweynaha, balse muddo ka hor ayuu shaqadiisa waayay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here