Home Wararka Caalamka Caasimada Denmark oo lagu Dhaawacay Labo Wiil oo dhaliyaro Ah,

Caasimada Denmark oo lagu Dhaawacay Labo Wiil oo dhaliyaro Ah,

0

Wiil 16 sano jir ah iyo nin 19 jir ah ayaa dhowr jeer lagu tooriyeeyay dmagaalada Copenhagen habeenkii Christmas-ka. Ujeedada ma cadda.

Labaduba waa dhaawac halis ah, ayuu Ritzau u sheegay madaxa baadhista Anders Lykkegaard oo ka tirsan bilayska Kobanheegan. Bilayska ayaa helay warbixin ku saabsan tooriyeynta ka dhacday Dortheavej waqooyi-galbeed ee Kobanheegan wax yar ka hor 10kii habeenimo.

Madaxa baaritaanku ma xaqiijin in labada dhalinyaro ay ku jiraan khatar dhimasho ah. Qaraabada dhalinyarada ayaa la ogeysiiyay.

– Waxa kaliya oo aanu ognahay, in ay soo weerareen in ka badan hal qof oo dembiilayaal ah, oo tan iyo markaas ka baxsaday goobta ayuu yidhi Lykkegaard.

Sawirada baraha bulshada waxaad ku arkeysaa in dhiiga uu daadsan yahay meel ka baxsan goob Dadka Bulshada Muslimiinta ku kulmaan. Labada qof ee la dilay ayaan boolisku wax su’aalo ah weydiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here