Home Wararka Maanta Booliska Sweden oo labo qof u xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu...

Booliska Sweden oo labo qof u xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu toogtay Waqootiga Stockholm

0

Booliska Caasimada Sweden ayaa shaaciyay qabashada labo Qof oo lagu tuhmayo dilkii Maalinta Axada ka dhacay Xaafada uplads väby halkaasi oo lagu toogtay wiil dhalinyaro ah.

Afayeen u hadlay booliska Stockholm ayaa warbaahinta u sheegayb in labada qof ee la qabtay uu mid yahay 35 sano jir halka mid kale uu ka yaryahay kuwaasi oo lagu soo qabtay kadib baaritaan ay booliska sameeyeen.

Axadii lasoo dhaafay ayay aheyd markii wiil dhalinyaro ah lagu toogtay Kamuunka Upplands-Väsby kaasi oo dhaawac ahaan loo dhigay isbitaalka isla marlana lagu dabiibayo waxana booliska ay sheegeen in xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan.

Maalmihii u danbeeyay waxaa Sweden ka dhacay dilal xiriir ah oo isku geestaan Kooxaha gangiska kadib dagaal ka dhex qarxay dhexdooda.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here