Booliska Australia ayaa ku toogtay nin dhalinyaro ah oo mindi ku hubeysnaa wadada Logan, waana toogashadii afaraad oo booliisku ka geysto magaalada Queensland ee koonfur-bari muddo bilooyin ah.
Ninkan oo Somali ah ayaa magaciisa lagu sheegay Raghe Cabdi oo 22 jir ah, kana soo jeeda deegaanka Calamvale.
Booliska ayaa xaqiijiyay in askartu ay kajawaabayaan wicitaanada laxiriira qatarta taraafikada, maadaama ninkaasi uu agmarayay wadada weyn.
Markii ay saraakiisha yimaadeen waxaa ka hor yimid Mr Cabdi, oo ku hubeysan mindi.
Saraakiisha ayaa toogtay 22-jirkan wuxuuna ku dhintay isla goobta, in kasta oo ay jiraan dadaalo ay sameeyeen ciidamada gurmadka.
Somaliska Queensland
Wararka kale ee Maanta
AD