Maanta Barlamaanka Dalka Sweden ayaa ansixiyay oo meel mariyay Sharciga Cusub ee Qaxootiga Sweden lagu wajahayo.
Sharciga ayaa meesha ka saaraya sharciga ku meel gaarka waxana uu dhaqan galayaa 4 isbuuc kadib oo maanta ka bilaabata.
Sharciga Cusub ee la Ansixiyay
Sida aan horay u shaacinay waxaa jira sharci ku meel gaar ah kaasi oo la bilaabay sanadkii 2015 markaasi oo qaxooti badan wadanka iska dhiibeen.
Sharciga waxaa ku jiray bixinta sharciga kumeel gaarka ee daganaanshaha wadanka kaasi oo afar isbuuc kadib meesha ka baxaya isla markana lagu badalayo sharciga daganaanshaha rasmiga.
Qaxootiga ayaa sharciga cusub waxa uu fursad u siinayaa in qaab bini’aadantimo uu u siiyo sharciga wadanka waxa loo yaqaano (generösa)
Mideynta Qoysaska ayaa kamid ah Sharciga cusub waxana qoysaska isku dacwoonaya loo fududeeyay qaar kamid ah sharuudaha ku hor gudbanaa mudada shanta sano ee lasoo dhaafay halka lasii adkeenayo sharuudaha qaarkood.
Dowlada iyo Xisbiyada
Dowlada Sweden iyo waliba xisbiyada taageeray sharciga cusub ayaa soo dhaweeyay go’ganka Barlamaanka wasiirka cadaalada Sweden ayaa sheegay in sharciga uu yahay mid lagu yareenayo qaxootiga wadanka imaanaya.
Xisbiyada qaar sida SD, MD, M ayaa kasoo horjeestay sharciga maanta iyagoo doonayay in intaasi laga sii adkeeyo sharciga maanta Barlamaanka uu meel mariyay.
Somaliska Stockholm
Asc wll markaa maxy kula tahay ina y u fududay donanaan dadka isku dacwoo naya.
Hadii sweden ay carurteyda jogaan anigana yurub mel kamid ah aan deganahay ma fududahay in aan isla midowno? Waxay kayaryihiin 18 sano maxaase laga rabaa hoyadoda o shurudo ah????
Asc marka hore aad baan idinkaga mahad celinayaa shaqada wacan ee aad u haysaan bulshada somaliyeed
shu,aashayda ayaaa ah waxan jooga dalal ka mid ad dalalka africa sideen ola midoobi karaaa xaaskayga iyo caruurtayda oo ku nool dalka sweden sharciyadan cusub maxaa is badal ah oo aaan ka heli karaaa aniga iyo dadka ila midka ah mahadsanidiin
Asc marka hore aad baan idinkaga mahad celinayaa shaqada wacan ee aad u haysaan bulshada somaliyeed
shu,aashayda ayaaa ah waxan jooga dalal ka mid ad dalalka africa sideen ola midoobi karaaa xaaskayga iyo caruurtayda oo ku nool dalka sweden sharciyadan cusub maxaa is badal ah oo aaan ka heli karaaa aniga iyo dadka ila midka ah mahadsanidiin