bangiga dhexe Sweden ayaa soo gudbiyey go’aanka heerka lacagta dulsaarka kaasoo howl-galaya 9 janaayo 2019.
Lacagta dulsaarka ee (reporänta) oo ah dulsaarka ay bangiyada ganacsigu wax uga amaahdaan bangiga dhexe ayaa aheyd mudo ka badan laba sano -0,5 boqolkii taasoo ah mid aad u yar.
Dulsaarka ayaa iminka lagu kordhinayaa 0,25 boqolkii.
Madaxa bandhiga dhexe Stefan Ingves oo ka hadlay sababta ay u kordhinayaan dulsaarka wuxuu sheegay iney u arkaan in sicir-bararku ku sugnaan doono sida laga rabey sanadaha soo socda.
– Taa waa in la bar bardhigaa in dulsaarka -0,5 yahay mid aad u yar taasina ma aha wax caadi u ah dhaqaalaha Sweden, ayuu yiri Stefan Ingves.
somaliska Stockhom
Xigasho/radiosverige
Wararka kale ee Maanta
AD