Home Wararka Maanta Bangiga Swedbank oo war Cusub kasoo saaray eedeynta Loo jeediyay ee Lacagta...

Bangiga Swedbank oo war Cusub kasoo saaray eedeynta Loo jeediyay ee Lacagta Suuqa Madow.

0

Madaxa Swedbank Birgitte Bonnesen ayaa ka hadashay markii ugu horeysay ilaa iyo markii la soo shaac dhigay warbixintii ku saabsanayd kashifaadda lacagta madow ee bangiga la dhex marsiiyay.

Birgitte Bonnesen ayaa sheegtay in bangiga la marsiiyo lacago malyuuno gaaraya maalin kasta iyo iney sannad kasta boliiska u gudbiyaan kumanaan kiis ee lacagta laga shakiyo.

Madaxa Swedbank, Birgitte Bonnesen ayaa sannadkii hore caddeysay inaanu bangiga Swedbank ku laheyn wadamada Baltikum macaamiil ajnabi ah oo bangiga ku dhaqa lacagta suuqa madow.

– Waxeynu maalin kasta ka shaqeynaa inaan soo helno dadka isku daya iney bangiga lacagta suuqa madow ku dhaqaan. Wixii aan ka shakinana waxan ku wargelinaa boliiska oo taa ku shaqa leh, ayey tiri Birgitte Bonnesen.

Waxey aheyd bil ka hor markuu barnaamijka Uppdrag granskning ee SVT kashifay in Swedbank loo isticmaalay in lacag aad u badan lagu dhaqo taasoo socotay ku dhowaad toban sano.

Idaacadda SVT Nyheter ayaa sidoo kale kashiftay in madaxweynihii hore ee Yukreyn Viktor Janukovytj uu lacag gaareysa 34 milyan oo karoon marsiiyey akoon Swedbank ka jira. Arrintaa ayaa lala xiriiriyey lacag laaluush looga shakisan yahay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here