Home Wararka Caalamka Baaritaanka lagu Sameenayo Guryaha la daganyahay iyo Tirakoobka ay Dowlada ku Dhawaaqday...

Baaritaanka lagu Sameenayo Guryaha la daganyahay iyo Tirakoobka ay Dowlada ku Dhawaaqday oo la Sharaxay

0

Dowlada Sweden ayaa ku dhawaaqday Barnaamijka tirakoobka oo lagu sameenayo Guryaha la daganyahay iyadoo la ogaanayo cida ku nool Guriga.

Dad badan ayaa hadal heyn ku abuurtay Tirakoobka lakin Sida Somaliska Daabacday Sanadkii hore Waa Heshiis qeyb ka ahaa kuwa Dowlada ay la gashay Xisbiyada ku jira dhismaha Dowlada ama caawiyay Xukuumada hada jira.

Heshiiska oo lagu magacaabo Tidö Waxa ku jira Sharciyo kuwaasi oo badankooda lagu adkeenayo Arimaha Qaxootiga iyo dhanka Caafimaadka, Heshiiskaasi waxaa ku jiray Tirakoobka Dadweynaha.

Sidee ayuu u shaqeenayaa Sharciga.

Dowlada ayaa baaritaan ku sameeneysa Guryaha ladaganyahay iyadoo baaritaanka uu salka ku hayo dadka qaata lacagaha kaalmada ee ku hela sifo aanan sharci aheyn.

Hadii aad tahay qof shaqeenaya ma jirto saameyn gooni ah oo sharciga kugu yeelanayo lakin hadii aad tahay qof kaalmo ka qaata dowlada isla markana ku nooleen gurigaasi waxaa kaaga imaanaya dambi.

Muhiimada waa in la ogaado cida guriga ku nool xiligaasi iyo tirada ay yihiin waxana wada shaqeyn ka dhaxeysaa hay’ada dowlada sida Ceymiska iyo Skettverket-ka.

Dad badan ayaa hela lacago kaalmo ah iyadoo hoyga ay ku dalbadeen aysan dagneyn taasi oo ah dambi weyn.

Xisbiga Moderat-ka oo ka hadlay maanta arintaasi ayaa sheegay in laga hortagayo dambiyada iyo wax isbada-marinta iyo qayaanooyinka.

lacagta ku baxda kaalmada ee maanta ayaa lagu sheegay in lagu shaqaaleysiin karo 23,000 kun oo Boolis ah iyo 31,000 kun oo kalkaaliye ah iyo 26,000 kun oo Macalimiin ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here