Home Wararka Maanta Arbetsförmedlingen:- Shaqooyinkan ayay heli karaan Dadka heesta Leesinka Wadista Gawaarida (Körkort)

Arbetsförmedlingen:- Shaqooyinkan ayay heli karaan Dadka heesta Leesinka Wadista Gawaarida (Körkort)

0

inkastoo ay jirto dhibaatada ka dhalatay Xanuunka Corona hadana waxaa jirta Shaqooyin banaan oo ay heli karaan Dadka heesta kaarka lagu kaxeeyo Gawaarida ee loo yaqaano (Körkort) madama Sharuudaha ugu badan ee Shaqada uu yahay in aad heesato kaarkaasi.

Ku dhawaad 8,000 kun oo Shaqooyin ayaa Banaan hada kuwaasi oo ku xiran in aad heesato Kaarka wadista Gawaarida waxana Shaqooyinkaasi kamid ah tusaale ahaan adeegga daryeelka guriga, kaaliyeyaasha shaqsiyeed, ganacsatada iibka shirkadda iyo darawallada kaladuwan kuwaasi oo afka Swedishka lagu dhaho (hemtjänsten, personliga assistenter, företagssäljare och olika typer av chaufförer.)

Madaxad Xafiiska Shaqada ee dhanka Falanqeynta ayaa sheegtay in hadii Dadka ay heestaan Leesinka Gawaarida ay heli karaan Shaqooyinkaaasi oo hada banaan kuwaasi oo ka kooban 20 qeybood ee dadka raadsadaan.

Hadalka kasoo baxay Xafiiska Shaqada ayaa ku soo aadaya iyadoo uu adkaaday waqtiga Imtixaanka la helo gaar ahaan imtixaanka gaadiidka ee laanta Trafikverket-ka.

Dalka Sweden Qofka ku nool waxaa u fududaan karta helista Shaqooyinka hadii Qofkaasi uu heesto Leesinka lagu kaxeeyo Gadiidka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/SVT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here