Ra’iisul Wasaaraha Magdalena Andersson (S) iyo Annie Lööf (C) ayaa maanta si wadajir ah u booqday markabka Mareykanka ee USS Kearsarge, kaas oo dhowr maalmood ku xirnaa bartamaha magaalada Stockholm.
Layliga militarigu waa calaamad muhiim ah oo ka timid dhinaca Mareykanka hadda oo xubinnimada Iswidhan ee NATO ay u muuqato inay soo baxayso, sida ay sheegtay Magdalena Andersson:
“Xaqiiqda ah in aan maanta haysanno taageerada weyn waxay muujinaysaa inay dhab ka yihiin,” ayay tiri.
Sweden ayaa codsatay ku biirista NATO inkastoo wali dalka aan loo ogolaan xubinamada.
Wararka kale ee Maanta
AD