Home Wararka Caalamka Amaro Cusub oo lagu soo rogay Dadka Tagaya Dalka Mareykanka

Amaro Cusub oo lagu soo rogay Dadka Tagaya Dalka Mareykanka

0
Photo/Getty image

Dowlada Mareykanka ayaa soo saartay amaro cusub oo lagu soo rogay dhamaan dadka tagaya dalkaasi ee isugu jira muwaadiniinta iyo sidoo kale dadka kale ee ajaaniibta ah si looga hortago cudurka Covid-19 ee dalkaasi ku sii faafaya.

Wasaarada caafimaadka dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in qof kasta oo tagaya dalka Mareykanka laga doonayo in uu heesto warqad caddeyneysa in laga soo baaray lagana waayay xanuunka COVID-19.

Xarunta Xakameynta iyo ka hortagga Cudurrada ee loo so gaabiyo CDC ayaa sheegtay, in amarkaan oo muddo laba todobaad ah ku dhaqangali doono uu qaban doono, muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa ajnabiga ah ee u soo safraya Mareykanka.

Amarkan ayaa imaanaya xili ay sii kordhayaan dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 gudaha Mareykanka, waxaana shalay kaliya dalkaasi ugu dhintay cudurkan dad gaaraya 4,500 oo qof.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here