Home Wararka Denmark Akhriso Nuucyada Caafimaad Xumada uu keeno Xanaaqa..

Akhriso Nuucyada Caafimaad Xumada uu keeno Xanaaqa..

0

Wargayska la yiraahdo European Heart Journal baa cadadkiisii soo baxay 4 March 2014 ku soo saaray, cilmi baadhis ay sameeyeen cilmi baadhayaal ka hawl gala jaamacadda Harvard Medical School. Cilmi baadheyaashu waxay baadheen caafimaad xumadda uu keeno XANAAQU.

Cilmi baadheyaashu waxay dib u baadhid ku sameeyeen 4,546 kiis oo bukaan socodku wadno-xanuun haleelay (Heart Attack), qaarkoodna garaacii wadnuhu istaagay (Stroke).

Gunaanadkii waxay yidhaahdeen, qofka markuu xanaaqo, wuxuu 4.74 jeer u dhowaadaa inuu wadnuhu xanuuno, isla markaana waxaaba dhici karta in 3.62 jeer in wadnuhu shaqadii joojiyo.

Talooyinkay soo jeediyaan waxaa ka mid ahaa, in qofku ka tago meesha uu joogo ee xanaaqa keentay, in uu badalo qaabkii uu u taagnaa ama u fadhiyay, hawadda inuu u baxo haduu meel xidhan ku jiray.

Cilmi baadhida waa shay qaali ah oo loo baahan yahay inaan caafimaadka wax ka barano, mana aha mid lagu khasaarayo, waxaase jira Xadiith uu warinayo Abuuhurayra رضي الله عنه, wuxuu yidhi; Nin baa Nabiga صلى الله عليه وسلم u yimid oo yidhi “Nabi Aloow ila dardaaran”, Nabigu wuxuu 3 jeer ku celceliyay “Ha Xanaaqin”

Nabigeenu صلى الله عليه وسلم wuxuu kale oo Axaadiith kala duwan ku sheeqay Qoddobo qofku haduu maro uu daynayo Xanaaqu, kana badbaadayo Xanuunadaas, waxaa ka mid ah;

1. Inuu Qofku iska naaro Shaydaanka. Bukhaari 6/337, Muslim 2610. Xadiithka waxaa warinaya سليمان بن صرد رضي الله عنه
2. In Qofku Aamuso oo aanu hadlin. Musnad Axmed 1/329
3. In Qofku hadduu taagan yahay uu fadhiisto, Musnad Axmed 5/152. Waxa wariyay أبو ذر رضي الله عنه
4. In Qofku Qaato taladii Rasuulka صلى الله عليه وسلم iyo dardaarankiisii oo ahaa “Ha Xanaaqin” Musnad Axmed 5/373
5. In Qofku haddii aanu xanaaqin uu galayo Jannadda. Saxiixu Jaamic 7374
6. Ad-adkaanta iyo Xoogu ma aha astaamaha wanaaga, ee daboolidda iyo qarsashadda cadhadaada baa ah awood. Wuxuu Xabiibkeenu yidhi “ليس الشديد بالصرعة ، إنما الشديد الذي يملك نفسه عند الغضب, Axmed 2/236

Ibnu Cabaas رضي الله عنهما baa yidhi anigoo la fadhina Cumar Ibnu Khadaab رضي الله عنه oo ahaa markaas Amiirkii Mu’miniinta baa nin u soo galay oo Cumar ku yidhi hadalo kulul oo canaan ah, Cumar waa xanaaqay oo wuxu damcay inuu ninka dhinaciisa u soo dhaqaaqo, Xur Ibnu Qays رضي الله عنه oo ka mid ahaa ragii meesha fadhiyay baa qabtay Cumar oo ku yidhi “Amiirkii Mu’miniintow, miyaadan xusuusan in Allaah ku yidhi Nabiga “خذ العفو وأمر بالعرف وأعرض عن الجاهلين”. Bukhaari 1/465

Gabagabadii waxaan ku gunaanadayaa ducadii Rasuulka عليه الصلاة والسلام oo uu odhan jiray “اللهم بعلمك الغيب وقدرتك على الخلق أحيني ما علمت الحياة خيراً لي ، وتوفني إذا علمت الوفاة خيراً لي ، اللهم وأسألك خشيتك في الغيب والشهادة ، وأسألك كلمة الإخلاص في الرضا والغضب ، وأسألك القصد في الفقر والغنى وأسألك نعيماً لا ينفد ، وقرة عين لا تنقطع ، وأسألك الرضا بعد القضاء ، وأسألك برد العيش بعد الموت ، أسألك لذة النظر إلى وجهك والشوق إلى لقائك ، في غير ضراء مضرّ ة ولا فتنة مضلّة الله زينا بزينة الإيمان واجعلنا هداة مهتدين .”

والحمد لله رب العالمين

W/Q: Mohammed Ibrahim Awed Abu Axmed.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here