Home Wararka Maanta Åkesson oo ka Carooday Dooda Caawa markii loogu yeeray (nazist?)

Åkesson oo ka Carooday Dooda Caawa markii loogu yeeray (nazist?)

0

Dood adag ayaa ka dhacday Talefashinka SVT ee Sweden waxayna u dhaxeysay Xisbyada ka dhisan Wadanka.

Per Bolund oo ka tirsan Xisbiga MP ayaa isticmaalay kalmada Brun oo ah kalmad loo fahmo Kooxda Nazistiga ee sida aadka looga jecelyn wadanka.

Hogaamiyaha Xisbiga SD Sverigedemokraterna ayaa aad u carooday isagoo ku cel celiyay ma aniga ayaad iigu yeereysaa Nazist.

Per Bolund ayaana markii danbe ku yiri Åkesson inuusan kalmadaasi isaga ugu yeerin lakin uu u isticmaalay xisbiyada muxaafidka.

Dooda ayaa aheyd mid adkeyd waxana wariyaha dooda waday uu su’aasha markale ku celiyay Per Bolund oo markii danbe ka qanciyay hogaamiyaha SD.

Xisbiga SD ayaa aad loogu eedeeyaa in uu kasoo horjeedo dadka soo galootiga ee ku sugan wadanka.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here