Home Wararka Maanta Afayeenka Barlamanka Sweden oo sheegay in codbixin aysan jirin kahor Chrismis-ka.

Afayeenka Barlamanka Sweden oo sheegay in codbixin aysan jirin kahor Chrismis-ka.

0

Afhayeenka baarlamanka Andreas Norlén ayaa sheegay inaaney baarlamanka ka dhici doonin cod qaadis ku saabsan ra’iisal wasaare mudada ka horeysa fasaxa.

Afhayeenka ayaa doonaya iney hogaamiyeyaasha labada xisbi ee Moderaterna iyo Socialdemokraterna qaadaan mas’uuliyad qaasa iyagoo mudada lagu maqan yahay fasaxa kirismaska iyo sanadka cusub ka soo fekeraya sida ay suura gal ku noqon karto in la soo dhiso dowlad.

Andreas Norlén ayaa sheegay iney hartay laba jeer oo codbixin ra’iisal wasaare haddii kale ay imin doonto in doorasho dib loogu noqdo.

Afhayeenka ayaa doonaya inuu warbixin hordhaca ka helo hogaamiyeyaashaa 28-ka diseember iyo 4 janaayo.

Afhayeenka ayaa doonaya warbixinta dhameystiran 10-ka janaayo.

Ujeedada taa laga leeyahay ayaa ah iney ra’iisal wasaare loo codeeyo 16-ka janaayo taasoo noqoneysa marki sadaxaad ee baarlamanku u codeeyo ra’iisal wasaare.

Haddii taa lagu guul dareysto waxa haraya hal mar oo keliya si loogu codeeyo ra’iisal wasaare taasoo lagu tala jiro iney baarlamanka ka dhacdo 24-ka janaayo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here