Home Wararka Maanta Afar kamid ah Xubnihii Maamulka Al-azhar oo Xukun lagu riday

Afar kamid ah Xubnihii Maamulka Al-azhar oo Xukun lagu riday

0

Maxkamadda racfaanka ee Svea ayaa ku xukuntay afar xubnood oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta ururka samafalka Al-Azhar dambi la xiriira xagga dhaqaalaha.

Aasaasaha Al-Azhar oo ah 51 jir ayaa lagu xukumay 4,5 oo xabsi ah iyada oo dambiyada lagu helay ey ka mid yihiin aaminaad daro, been abuur iyo lacag dhaqid.

Qofkani ayaa la baxay lacag gaareysa toban milyan oo karoon oo loogu talagalay howlaha iskuul isaga oo doonayay in uu u adeegsado bangi Islaami ah oo uu doonayay in uu furo.

Maxkamadda racfaanka ayaa ayiday isla xukunka ay hore ugu riday maxkamadda degmadda Stockholm.

Saddexda xubnood ee kale ayaa lagu helay been abuur diiwaan ama bokföringsbrott iyo been abuur markhaati balse waxaa lagu waayay dambi culus oo ah difaacis dambiile, waxaana ciqaabtooda laga soo yareeyay 2 sano iyo xoogaa iyada oo laga dhigay toban bilood.

Aasaasaha Al-Azhar ayaa sidoo kale bixin doono magdhaw uu siin doono ururka waxaana sidoo kale laga mamnuucay in wax ganacsi ah uu sameeyo muddo toddobo sano ah.
Al-Azhar ayaa maamusha dhowr iskuul oo Islaami ah oo ku yaalla goobo badan oo dalka ah, waxaana hore u jiray eedeymo loo jeediyay oo ay ka mid ahaayeen in salaadda la tukudo xilliyada casharrada loogu talo galey.

Dhowaanahan ayay hay’adda iskuulada ee Skolverket waxay ka dalbatay Al-Azhar in ay dib u soo celiso lacag gaareysa 1,1 milyan karoon oo ahayd deeq xagga dowladda ka timid oo la waayay halka la marsiiyay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here