Home Wararka Caalamka Adnan Jama oo lagu Xukumay Xabsi Daa’in Xili loo heesto Dilal ka...

Adnan Jama oo lagu Xukumay Xabsi Daa’in Xili loo heesto Dilal ka dhacay Magaalada Rågsved

0

Adnan Jama, oo 20 jir ah, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ah iyadoo loo haysto dil iyo isku dayo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Rågsved ee magaalada Stockholm sannadkii hore, sida ay ku warrantay warbaahinta.

Waxa uu marka hore rasaas ku furay koox dad ah oo ku sugnaa meel u dhaw dugsi xanaano. Intaasi ka dib goob maqaaxi ah oo lagu toogtay hal nin halka labo kalana ay ku dhaawacmeen falkaasi.

Dhacdadan ayaa dhacday fiidnimadii May 17. Sida ay sheegtay xeer-ilaaliyaha Marika Hoppe, dembiilaha iyo dhibbanaha ayaa is yaqaanay.

– Waxaan ognahay in dacwoodayaasha iyo eedaysanuhu ay hore u wada jireen oo ay saaxiibo ahaayeen ama ugu yaraan ay is yaqaaneen. Kadib wax ayaa ka dhex dhacay, laakiin si sax ah uma garanayno, ayay TT u sheegtay iyada oo la xidhiidha eedaymaha la keenay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here