Home News in English Aabe Mushahar ahaan u helay 933 kr bishii iyo Qoyskiisa oo la...

Aabe Mushahar ahaan u helay 933 kr bishii iyo Qoyskiisa oo la Musaafurinayo

0
Foto: Frida Granström/Sveriges radio

Waa dhacdo ku yar Dalka Sweden markii Aabe u dhashay Dalka Ciraaq uu mushahar u heli jiray 933 kr bishii.

Sida uu ku waramayo Raadiyaha Sweden Aabaha ayaa Bishii Mushahar ahaan u qaadan jiray 933 kr taasi oo ka timid qofka loo shaqeeyaha.

Laanta Socaalka ee Migrationsverket ayaa go’an ku gaartay in Aabaha loo Musaafuriyo Dalka Ciraaq isaga iyo Caruurtiisa marka laga reebo Hal wiil oo caruurta ku jira.

Dhacdadan ayaa aheyd mid hadal heyn badan waxana maanta ka hadlay Wasiirka Socdaalka Dalka Sweden Anders Ygeman kaasi oo sheegay in marna qof loo musaafurin karin Sabab la xiriirta Mushaharka uu qaato oo liita.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Dowlada Saxeyso Sharciga si aysan arintaasi oo kale u sababin Musaafurin.

Moussavian, oo ah ku simaha madaxa qaybta ogolaanshaha shaqada ee Hay’adda Socdaalka, ayaa yidhi “Xaqiiqda ah in loo-shaqeeyuhu aanu bixin mushaharka saxda ah ee waafaqsan heshiiska wadajirka ah inta lagu jiro muddada shahaadooyinka. go’aanka ah in aan la siin ogolaanshaha shaqada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here