Home Wararka Caalamka Sweden oo Bilowday Imtixaanka Luuqada ee Helitaanka Dhalashada Wadanka

Sweden oo Bilowday Imtixaanka Luuqada ee Helitaanka Dhalashada Wadanka

0
Photo/TT

Subaxnimadii Sabtida, ku dhawaad 1,000 qof oo ka kala yimid gobollada Sweden ayaa galay imtixaankii ugu horreeyay ee aqoonta bulshada, kaas oo laga rabo dadka doonaya inay qaataan dhalashada Sweden. Hay’adaha mas’uulka ka ah imtixaanka weli ma aysan shaacin tirada jawaabaha saxda ah ee qofku u baahan yahay si uu u gudbo.

Imtixaanka ayaa lagu qabtay Stockholm Exhibition Centre, oo ku yaalla koonfurta caasimadda. Dadkii ka qaybgalay waxaa ka mid ahayd Amna Suhail, oo 38 jir ah, kana shaqaysa injineernimada IT-ga, kuna nool Stockholm.

Su’aalo ku saabsan siyaasadda iyo dhacdooyinka Sweden

Amna Suhail ayaa wakaaladda wararka TT u sheegtay kadib imtixaanka inay su’aalo badan ku saabsanaayeen siyaasadda Sweden.

“Waxaan dareemayaa wanaag. Waxaan bartay intii aan awooday, laakiin way adag tahay marka aad sidoo kale shaqo leedahay,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in qaar ka mid ah su’aalaha ku saabsan xisbiyada siyaasadda iyo arrimaha taagan ay adkaa, halka su’aalo kale oo ku saabsanaa Maalinta Qaranka Sweden iyo Midsommar (Ciidaha Bartamaha Xagaaga) ay u fududaayeen.

Amna Suhail waxay asal ahaan ka soo jeedaa Pakistan, waxayna Stockholm kula nooshahay qoyskeeda. Labadeeda gabdhood ayaa haysta dhalashada Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here