Shirkadda gaadiidka dadweynaha ee galbeedka Sweden, Västtrafik, ayaa go’aansatay inay basaska ka shaqeeya Skaraborg ka saarto xayeysiis doorasho oo uu lahaa xisbiga Sverigedemokraterna (SD), kadib markii ku dhawaad 20 darawal bas oo asal ahaan Soomaali ah ay shaqada joojiyeen iyagoo ka cabanaya xayeysiiska.
Xayeysiiska ayaa watay fariinta: “Ma u xiistay Muqdisho? Gunnada dib-u-noqoshada ayaa kaa caawinaysa inaad ku laabato dalkaagii hooyo.” Xayeysiiska waxaa sidoo kale ku jiray sawirka siyaasiga SD Tobias Andersson, oo ah guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee baarlamaanka Sweden.
Darawallo Soomaali ah oo shaqada ka maqnaaday
Qiyaastii 20 darawal bas ayaa shaqada ka maqnaaday, waxayna sheegeen inay xanuunsadeen, iyagoo tallaabadan u qaaday si ay uga Banaan-baxaan xayeysiiska.
Darawallo la hadlay idaacadda P4 ayaa sheegay inay u arkaan fariinta xayeysiiska mid loo fasiri karo kicin ama nacayb ka dhan ah koox bulsho (hets mot folkgrupp), isla markaana ay abuureyso jawi shaqo oo aan ammaan ahayn.
Darawalladu waxay sidoo kale muujiyeen walaac ku saabsan in xayeysiisku keeni karo aflagaado, hanjabaado ama falal waxyeello ah oo lala beegsado darawallada iyo basaska.
Kadib cabashooyinka iyo falcelinta xooggan ee darawallada, Västtrafik ayaa go’aansatay inay xayeysiiska SD ka saarto basaska.








