Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Joe Biden uu gurigiisa si “ula kac ah” ugu haystay dukumiintiyo sir ah oo ay dawladdu leedahay, xilligii uu xilka ka degey.
Warbixintan oo uu soo saaray baadhaha gaarka ah ee loo xilsaaray kiiska madaxweyne Biden, waa Robert Hur, oo la sii daayey Khamiistii ayaa ka tarjumaysa qiimayn iyo dhaleecayn xooggan oo loo jeediyey habka uu madaxweyne Biden u maareeyey waraaqaha sirta ah ee dawladda.
Natiijada ka soo baxday baadhitaankani waxay hoos u dhigi doontaa in madaxweyne Biden uu ku dhaliilo Donald Trump habka uu u maareeyey waraaqaha sirta ah ee uu u qaatay gurigiisa raaxada eek u yaalla Florida.
Trump ayay u badan tahay inuu noqdo musharaxa la tartami doona Biden bisha November ee foodda innagu soo haysa.
Warbixinta baadhaha gaarka ah ayaa lagu sheegay in qaybo badan oo ka mida waraaqaha sirta ah ee la soo ururiyey in laga helay gurigiisa ku yaalla gobolka Delaware iyo sidoo kale waraaqihiisii Senateka ee jaamacadda Delaware, kuwaasi oo halkaas loo dhigay si khalad ah.
Wuxuu sheegay inuu si gaar ah ula fadhiistay baadhaha gaarka, illaa shan saacadood oo su’aalo kala duwan la weydiinayey muddo laba maalmood ah gudahood ah oo ku beegnayd bishii October 8-deedii iyo 9-keedii ee sannadkii hore, oo ahayd maalin ka dib markii weerarka lagu qaaday Israa’iil.
Warbixintan ayaa soo baxday kadib baadhis la sameeyey muddo sannad ah, taas oo la baadhayey eedo la xidhiidhay in madaxweyne Biden uu si aan hagaagsanayn u maareeyey waraaqaba sirta ah ee dawladda ee yaallay gurigiisa, xafiiskiisii Senateka iyo kiisii madaxweyne ku xigeenka.