Home Wararka Caalamka Norway oo Wasiirad Anette Trettebergstuen ku Haysa Baaritaan Culus k

Norway oo Wasiirad Anette Trettebergstuen ku Haysa Baaritaan Culus k

0

Booliska Norway ee qaabilsan danbiyada agaasiman ee dhaqaalaha la xiriira ayaa kiis-dacwadeed baaritaan ah ku furay wasiiradii hore ee dhaqanka Norway, Anette Trettebergstuen.

Kiiska baaritaanka ah ayaa la xiriira in wasiiradu ay shaqo sarre oo ah gudoomiyaha gudiga guriga dhaqanka ee opera ay u magacowday saaxiibadeed aad ugu dhow.

Sida uu sharciga Norway qabo, waxa aheyd in wasiiradu ay banaanka ka istaagto dhamaan howlaha la xiriira shaqo bixinta saaxiibteed, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo cadaaladda shaqo-bixinta, maadaama ay aad isugu dhowyihiin.

Wasiiradda ayaa jabisay xeerkaas, taasoo markii danbe sabab u noqday inay xilkeedii wasiirnimo isaga tagto fadeexada la soo deristay awgeed.

Wasiiradda oo xilka iska casishay bartamaha sanadkii hore ayaa ku eedeysan inay jabisay sharciga Norway ee dhigaya in qofkii haya xil dowladeed uusan si toos ah u magacaabi karin qof saaxiibkiis dhow ama qoyskiisa ah. Taas badalkeedana uu kiisaska magacaabista qofkaas u madax-baneeyo dadka kale ee aan xiriirka toos ah la laheyn qofka.

Wasiiradii hore ayaa iska fogeysay dhamaan eedaha loo soo jeediyay, waxeyna sheegtay inaysan jabin wax qodob sharci ah. Iyada oo raacisay inay ka jawaabi doonto dhamaan su aalaha ay qabi karaan saraakiisha baaritaanka Økokrim.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here