Maamulka Biden waxa uu ka dhawaajiyay in ay doonayso Israa’iil in ay wax badan ka qabato ilaalinta nafta rayidka oo ay gasho marxalad hoose ee dagaalka ay ku hayso Xamaas , sida uu sheegay sarkaal sare oo Maraykan ah. Iyadoo in ka badan 18,000 oo qof lagu dilay Marinka Qaza in ka yar saddex bilood, waxaa soo baxaysa qaylo dhaan caalami ah oo ku saabsan tirada sii kordhaysa sida uu baahiyey TVga CNN.
Laakiin saraakiisha Israa’iil waxay ka digayaan in dagaalku uusan dhammaan doonin mar dhow. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu dagaalka sii wadi doono ilaa Xamaas meesha laga saaro. Wasiirka Difaaca Yoav Gallant ayaa sheegay in dagaalku uu socon doono in ka badan dhowr bilood.
Inkastoo Israel ay sheegeyso in dagaalku uu qaadan karo dhowr bilood haddana khubarada milateriga ayaa rumeysan in Xamaas ay adag tahay in laga adkaado, ciidamada Israelna ay ay ugu dambeyn ku qasbanaan doonaan iney ka baxaan Gaza iyagoo ku guuldareystay iney xaqiijiyaan hadafyadii loo diray oo ay ka mid yihiin iney cirib tiraan Xamaas iyo iney soo furtaan maxaabiista ay heystaan.
Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa la kulmay Netanyahu Khamiistii. Waxay ku soo beegantay xilli xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Israa’iil ay cirka isku sii shareerayso.
Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa ka dhawaajiyay inuu doonayo in Israa’iil ay diiradda saarto sidii loo badbaadin lahaa nolosha rayidka.
“Israel waa iney beegsataa bartilmaameedyo la hubo oo ay ku sugan tahay Xamaas, si meesha looga saaro khasaaraha faraha badan ee soo gaaraya rayidka” ayaa lagu yiri war ka soo baxay aqalka Cad.
Mareykanka ayaa dhaleeceyn caalami ah kala kulmaya in hubka iyo dhaqaalaha uu siiyo Israel loo isticmaalayo in lagu xasuuqo rayidka magaalada Gaza taasoo foolxumo iyo waji gabax ku noqotay siyaasada arrimaha dibeda ee Mareykanka
Taageerada madaxweyne Biden ee gudaha Mareykanka ayaa hoos u dhacday sababo la xiriira taageerada indho la’aanta ah ee maamulkiisu siiyey Yuhuuda xili ay soo dhow dahay doorashada Madaxweynaha, waana taas sababta kale ee Madaxweynaha ku qasbeysa inuu Israaiil saaro cadaadiska la xiriira iney xakameyso khasaaraha rayidka iyo iney soo gebagebeyso howlgalka ciidankeeu ka wadaan Gaza
Ku dhawaad kala bar rasaasta cirka iyo dhulka ee Israa’iil ay ku isticmaashay Qaza waxay ahaayeen kuwo aan la hagi karin ama aan laheyn bartilmaameed rasmi ah, sida uu sheegay sirdoonka Maraykanka.