Home Wararka Caalamka Askarta Israa’iil ayaa Isbitaalka Jenin ku dhex dilay ilmo yar oo Reer...

Askarta Israa’iil ayaa Isbitaalka Jenin ku dhex dilay ilmo yar oo Reer Falastiin ah

0
Foto: Maya Alleruzzo / AP / NTB

Hay’adda samafalka ee Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay qof aan hubeysneyn ku dileen Isbitaal ku yaalla magaalada Jenin ee daanta galbeed ee la haysto, halkaas oo ciidamada Israa’iil ay wadeen hawlgal muddo ka badan laba maalmood.

Iyadoo la hadlaysay Al Jazeera, isuduwaha MSF Irene Huertas Martin ayaa ka warantay shilkii ka dhacay Isbitaalka Khalil Suleymaan:

“Caruurtu way ciyaarayeen, dhagxaanna way tuurayeen. Waxaan isku daynay inaan maareyno [xaaladda] sababtoo ah waxaan ogeyn in tani ay dhibaato noqon karto, laakiin marnaba kuma fikirin inay toogtaan ilmaha sababtoo ah wuxuu ku ciyaarayay gudaha dhismaha isbitaalka.”

Martin waxa kale oo uu tilmaamay in askarta Israa’iil ay toddobaadyadii la soo dhaafay si joogto ah uga joojinayeen bukaannada in ay helaan daawaynta iyo sidoo kale in ay amar ku siiyaan shaqaalaha caafimaadka iyo darawallada in ay ka soo saaraan ambalaasyada.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa ku celiyay baaq xabbad joojin ah oo ka soo baxay shir madaxeedka Midowga Yurub

Pedro Sanchez ayaa sheegay inuu rajeynayo in dalalka xubnaha ka ah ururka ay heshiis ka gaari doonaan xaaladda Gaza, wuxuuna ku celceliyay in Spain ay taageerto xabbad-joojin.

“Xabbad joojintu waa inay albaabada u furto diblomaasiyadda iyo xaqiijinta xal laba dawladood ah,” ayuu ka sheegay shir-madaxeedka Midowga Yurub ee Brussels.

Ra’iisul wasaaraha ayaa marar badan ku baaqay xabbad joojin joogto ah, lana joojiyo dilalka ka socda Gaza.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here