Dowladda Sweden ayaa maanta ku dhawaaqday baaritaan cusub oo lagu adkeynayo habraacyada ku xeeran xarumaha masaafurinta ee Hay’adda Socdaalka .
Wasiirka socdaalka, Maria Malmer Stenergaard, ayaa shir jaraa’id oo ay la qaadatay hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna, Ludwig Aspling, ku sheegtay in baaritaanka uu ku jiro in dib u eegis dhameystiran lagu sameeyo sharciyada hadda jira, lana ballaariyo awooda socdaalka. Wakaalada
Wakaalladda Wararka Sweden ee TT ayaa sheegtay in hindisahan cusub uu horseedi doono in dad badan lagu xidho xarumaha dib-u-celinta, iyo sidoo kale in la kordhiyo muddada dadka lagu hayo, si loo gaarsiiyo ilaa sannad iyo bar qaarkood.
Wasiirka ayaa tilmaamay in baaritaankan uu kala hadli doono sidii loo ballaarin lahaa awoodaha Hay’adda Socdaalka ay ku baarayaan dadka iyo qolalka ku yaalla xarumaha dadka laga masaafurinayo.
Waxa kale oo ay sahmin doontaa suurtogalnimada in dad badan lagu xidho isla xarumaha masaafurinta, halkii lagu xidhi lahaa xarumaha kale ee dadka lagu hayo.
Waxayna ka hadashay baaritaanka sidoo kale wax ka qabashada beddelka habka xabsiga laftiisa, sida qaadashada katiinado anqawga ah si dadka loola socdo, ama si joogto ah loogu wargeliyo maamulka halka ay ku sugan yihiin.
Xarumaha masaafurinta ayaa inta badan waxaa ku jira magangalyo doon codsiyadooda la diiday, marka lagu daro kuwa lagu xukumay in laga musaafuriyo Iswiidhan