Home Wararka Caalamka Xisbiga SD oo u Ololeenaya Mamnuucista Aadaanka Salaada, Gobolada Qaar oo Aadaanka...

Xisbiga SD oo u Ololeenaya Mamnuucista Aadaanka Salaada, Gobolada Qaar oo Aadaanka loo ogolyahay

0
Photo uploaded by the SD party to Twitter

Xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa mar kale ku baaqay in dalka Sweden laga mamnuuco cod-baahiyeyaasha.

Barta rasmiga ah ee xisbiga ee Twitter-ka ayaa la soo dhigay sawirka masjidka, waxaana lagu soo qoray, “Baaqista salaadda kama jirto Sweden”.

Xisbigu waxa uu sheegay in ay hore ugu baaqeen in gabi ahaanba la mamnuuco baaqa salaadda ee codbaahiyeyaasha, waxaanu intaa ku daray, “Dhammaan dadku waxay xaq u leeyihiin inay ka xoroobaan fikradaha diineed.

Wasiirkii hore ee xisbiga Sooshal dimuqraadiga, Annika Strandill, ayaa faallo ka bixisay barteeda twitter-ka, iyadoo leh, “Dabcan waxaad sidoo kale dooneysaa inaad ka hortagto gambaleelka kaniisadaha inay garaacaan dhammaadka usbuuca? Mise waxaad beegsanaysaan xorriyadda diinta ee muslimiinta oo keliya?

Xildhibaanka xisbiga SD Marcus ayaa ku jawaabay, isagoo waydiinaya in “dhaqdhaqaaqa iska caabinta Nazi-ga ee Waqooyiga Yurub sidoo kale loo ogolaado inay ku qeyliyaan hal mar,” isagoo la mid ah baaqii salaadda ee masaajidka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here