Ninkan oo warbaahinta Faransiisku ay magaciisa ku sheegeen William M., ayaa sida ay booliisku sheegeen, qirtay in uu “nacayb nafsi ah” u qabo ajaanibka.
Waxa hore loogu xukumay rabshado isir nacayb ku salaysan iyo jebinta sharciga hubka.
Bishii December ee sannadkii hore, wuxuu mindi ku weeraray laba qof oo ku sugnaa xero ay ku nool yihiin muhaajiriin oo ku taalla magaalada Paris, balse kiiskan ayaan weli maxkamadda la soo taagin.
Habeenkii Christmas-ka, waxaa looga shakiyay inuu rasaas ku furay xarun dhaqameed Kurdish ah iyo goob lagu qurxiyo timaha oo ku taal Paris. Saddex Kurdiyiin ah ayaa la dilay, oo ay ku jirtay Emine Kara, oo ka mid ah madaxda dhaqdhaqaaqa haweenka Kurdiyiinta ee Faransiiska.
Saddex kale ayaa ku dhaawacmay israsaaseyntaas, balse midkoodna ma soo gaarin dhaawac halis ah oo nafta halis gelinaya.
Eedaysanaha oo 69 jir ah ayaa loo wareejiyay qeybta maskaxda maalintii kirismaska kadib codsi ka yimid dhakhtar oo ku soo gabagabeeyay in xaaladiisa caafimaad aysan la jaan qaadi karin xabsiga.
Maalinta oo Isniinta ah, ayaa ninkan la horgeynaa maxkamadda halkaas oo xaakimku uu go’aan ka gaari doono in xabsiga lagu sii hayn karo iyo in kale.