Home Wararka Maanta Waxaa lagu heestaa Taageerada Qadiyada Falastiin” Erdogan oo garab istaagay Ronaldo

Waxaa lagu heestaa Taageerada Qadiyada Falastiin” Erdogan oo garab istaagay Ronaldo

0

Madaxweynaha waddanka Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan ayaa garab istaagay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ee ay Manchester United burburisay qandaraaskiisa, haddana ku sugan waddanka Sucuudiga oo la filayo inuu kaga biiro naadiga Al Nassr.

Ronaldo oo olole ballaadhan ay ku qaadday saxaafaddu intii uu socday Koobka Adduunka, ayaa waxa uu Recep Tayyip Erdogan sheegay in lagu eryanayo arrimo siyaasadeed oo salka ku haya qaddiyadda Falasiin ee uu laacibkani taageero.

Recep Tayyip Erdogan oo lagu yaqaano inuu si weyn u garab taagan yahay Falastiin ayaa waxa uu sheegay, in Ronaldo uu dhibbane u noqday olole siyaasadeed intii uu socday Koobkii Adduunka ee Qatar, isla maarkaana si maldahan loogu durayo taageerada  uu u muujiyey Falastiin.

Erdogan oo xalay ka hadlayay barnaamij laga sii daayey telefishanka dalkiisa oo uu ku dhiirigelinayay da’yarta dalkaas ayaa waxa uu si kooban u yidhi: “Nasiib-darro Ronaldo waa la dayacay.”

Waxa uu Recep Tayyip Erdogan intaa ku daray: “Waa nasiib-darro, Ronaldo waxa lagu qaaday olole siyaasadeed, sababtoo ah wa aqof taageera qaddiyadda Falastiin.”

Madaxweyne Erdgoan ayaa sidoo kale sheegay in Ronaldo loo dhaawacay nafi ahaan markii kaydka la dhigay Koobkii Adduunka, balse waxa uu xusay in uu helayo xog ah in uu xiddigani tegayo Sucuudiga, waxaanu yidhi: “Sida ay macluumaadka aan helayo sheegayaan, Cristiano Ronaldo waxa uu hadda ku sugan yahay waddanka Sucuudi Carabiya.”

Ugu dambayntii Recep Tayyip Erdogan ayaa waxa uu ka hadlay Koobkii Adduunka oo uu sheegay in Argentina ay u qalmaysay inay ku guuleysato sababtoo ah Lionel Messi, waxaanu yidhi: “Ka sokow da’diisa, Messi waa sidaa, laakiin Kylian Mbappe ayaa ah xiddiga mustaqbalka, waana 23 jir, Messi na waa 34 jir. Hadda Mbappe ayaa ah xiddiga Mustaqbalka.”

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here