Wasiirka soo galootiga iyo isdhexgalka Anders Ygeman ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga Sooshal dimuqraadiga uu doonayo in uu ku soo rogo shuruud mushaar oo dhan 29 880 oo karoon shaqaalaha ajaanibka ah.
Anders Ygeman ayaa maanta shir jaraa’id ku soo bandhigay soo jeedinta dowladda ee ah in la kordhiyo shuruudaha dakhliga ee shaqaalaha soo galootiga ah.
Waxa loo baahan yahay maanta bixinta ogolaanshaha shaqada in qofka shaqaalaha ah uu awoodo inuu naftiisa maareeyo, waxaana ugu yaraan lagu qiyaasaa 13,000 oo karoon.
Halka xisbiga Socialdemokraterna uu ku doodayo in mushaharka ugu yar ee shaqaalaha ajaaniibta ah uu noqdo 29 880 karoon.
Anders Ygeman wuxuu sheegay inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xisbiyada baarlamaanka si uu taageero ballaaran u helo.
Shuruuda mushaharku waxay khusaysaa oo keliya soogalootiga shaqada ee ka yimid waddamo ka baxsan Midowga Yurub, waddammada Waqooyiga Yurub iyo Switzerland.
Moderaterna ayaa soo jeediyay in mushaharka ugu yar uu yahay 27.540 karoon, halka xisbiga Kristdemokraterna uu dalbaday 35 000 karoon.