Qareenka Aleksandr Vinnik ayaa sheegay in la saaray diyaarad gaar ah lagana dhoofiyay Giriiga iyadoo aan la siinin fursad uu ku codsado magangalyo siyaasadeed.
Vinnik wuxuu ahaa mawduuca dagaal sharciyeed oo dheer oo u dhexeeya Giriiga, Faransiiska, Ruushka iyo Maraykanka.
Waxaa markii ugu horeysay lagu xiray magaalada Dalxiiska ee dalka Giriiga ee Halkidiki sanadkii 2017-kii waxaana loo gacan galiyay Faransiiska. Halkaa waxaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah kadib markii lagu helay dambi ah inuu lacago sharci daro ah sameeyay.
Waxaa dib loogu celiyay Giriiga maalintii Khamiista ka dib markii maxkamada racfaanka ee Faransiiska ay ku raacday xukunkii lagu riday, balse Mareykanka ayaa codsaday in loo soo gacan geliyo halkaas, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo isugu jira xatooyo aqoonsi iyo ka ganacsiga daroogada iyo dambiyada internetka iyo lacagaha la dhaqay. Dalka Maraykanka, waxa uu halis ugu jiraa 55 sano oo xadhig ah.
Ruushka ayaa cambaareeyey dhiibistiisa.