Maxkamad ku taal Malmö ayaa maanta nin ku xukuntay xabsi daa’in ka dib markii lagu helay dambi ah inuu dilay lamaanihiisa oo uur leh.
Mirza Pesic, oo 42 jir ah, ayaa tooreey ku dilay lamaanihiisa oo uur leh 3dii December magaalada Okarp ee koonfurta Sweden.
Ninka ayaa markaa wacay 911 si uu u sheego in uu dilay lamaanihiisa, ka dibna uu ka soo kaxaystay guriga Ocarp, una sii jeeday saldhiga booliska ee Lund. Intii uu jidka sii socday waxa uu aaday dukaanka oo uu ka soo iibsaday sigaar iyo sharaab, kadibna waxa uu aaday gurigii aabbihii oo uu u sheegay waxa uu sameeyay. Saldhiga booliska ayaa isla markiiba lagu xidhay.
Mirza iyo Haweeneyda 32-jirka dhibbanaha ah ma aysan wada joogin muddo dheer markii naagtu ay uur yeelatay gabadh yar. Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, ninku wuxuu bilaabay inuu is beddelo, xaaladdiisa maskaxeedna way ka sii dartay. Haweeneyda ayaa u sheegtay walaasheed inaysan dooneyn inay u kaxeyso baaritaanka caafimaad, sababtoo ah ma uusan muujinin farxad la mid ah tii hore. Sida laga soo xigtay Aftonbladet.
Haweeneydan ayaa noqotay dhibbanihii 14-aad ee sanadkii 2021 ay dilaan rag ay xiriir dhow la lahaayeen dumarka.