xaflad ka dhacday qasriga Elysée ee magaalada Paris Sabtidii ayaa lagu dhaariyay. Halkaas waxa lagaga dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee dhacday bishii April,kadibna waxa uu saxeexay dukumeenti rasmi ah oo lagu caleemo saaray. Khudbadiisii caleema saarka ayuu ku balan qaaday in uu dhisi doono Dal xoog badan.
“Waxaan ballan qaadayaa inaan dhisi doono meere lagu noolaan karo, Faransiiska oo firfircoon, iyo Faransiiska oo ka xoog badan mida hada,” ayuu yiri.
Waxa uu sidoo kale sheegay in qaab cusub uu dalka ku maamuli doono ka dib markii siyaasadiisa mudadii ugu horeysay ay marar badan ka qeyb qaadatay kala qeybsanaan badan.
Muda xileedka cusub ee madaxtooyadu ayaanan durba bilaabandoonin balse waxay u bilaabaneysaa 13 May.