Home Wararka Caalamka Jimmie Åkesson ” Raadiyaha Sweden ha joojiyo Baahinta Luuqada Somaliga, iyo Labo...

Jimmie Åkesson ” Raadiyaha Sweden ha joojiyo Baahinta Luuqada Somaliga, iyo Labo Luuqad oo kale

0

Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna, Jimmie Åkesson ayaa codsi u jeediyay dowlada kadib furitaankii ololaha xisbiga ee doorashada soo socda ee shalay ka dhacay caasimadda Stockholm, isagoo dalbaday in idaacadda Sweden ay joojiso daabacaadda wararka afafka Carabiga, Soomaaliga iyo Kurdiga. .

“Kuwa halkan yimaadaa waa inay marka hore bartaan Swedish,” ayuu yidhi.

Sida uu qabo shatiga baahinta idaacada dalka Iswiidhen, warar kala duwan ayaa lagu soo bandhigaa luqado kala duwan dadka Iswiidhan ee aan la socon karin wararka af iswiidhishka.

Marka laga soo tago barnaamijyada raadiyaha ee ku baxa luqadaha laga tirada badan yahay sida Finnishka, Menkele, Sami iyo Romanian, wararka waxaa lagu sii daayaa Ingiriis, Carabi, Farsi, Soomaali iyo Kurdish.

“Waa aragti ka duwan sida habka is-dhexgalka u ekaado,” Jimmie Åkesson ayaa yidhi. Waxaan ula jeedaa haddii aad rabto inaad ka mid noqoto bulshada Iswiidhishka, waa inaad sidoo kale barataa luqadda oo aad fahamtaa bulshada Iswidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here