Home Wararka Caalamka Ruushka oo sare u qaaday weerarada Ukraine ka hor maalinta guusha ee...

Ruushka oo sare u qaaday weerarada Ukraine ka hor maalinta guusha ee Dalkaasi

0
Foto: Aleksej Aleksandrov / AP / NTB Foto: NTB

Duqeymaha Ruushka ee Ukraine ayaa sii xoogeystay iyadoo Moscow ay ku soo wajahan tahay maalinta guusha, maalintii Naasigii Jarmalka ka guulesteen

Maamulka Ukraine ayaa aaminsan in Ruushku uu isku dayi doono in uu ururiyo guulo badan intii suurtagal ah ka hor inta aan waddanku xusin maalinta dhoola tuska militariga ee Moscow.

Waxaa sidoo kale la isla dhex marayey warar sheegaya in dabbaaldeg la qorsheynayo in lagu qabto magaalada hadda uu Ruushka ka taliyo ee Mariupol.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Ukraine, ciidamada Ruushka ayaa dib u bilaabay weerarrada ay ku hayaan birta Azovstal, halkaas oo ay gabaad ka dhigteen ciidamadii ugu dambeeyay ee Ukraine ee Mariupol

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here