Ciidamada Ukraine ayaa gantaalo ku garaacay markab dagaal oo Ruushku leeyahay oo ku sugan badda madow, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Odesa.
Gantaalaha Neptune ee ilaalinaya badda madow ayaa waxyeelo aad u daran u geystay markabka Ruushka. Ukrain ha noolaato, ayuu gudoomiyaha Odesa Maksym Marchenko ku qoray adeega fariimaha ee Telegram.
Oleksiy Arestovych, oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyj, ayaa sheegay in “wax lala yaabo uu ku dhacday Markabka Ruushka ee Badda Madow”. Markabka ayaa lagu magacaabaa Moscow.
– Aad bay u gubatay  Iyadoo duufaantan ay ku dhufatay badda, ma cadda in ay heli karaan gargaar iyo in kale. Waxaa markabka saaran 510 qof, ayuu ku sheegay muuqaal toos ah oo laga soo duubay Youtube-ka.
– Ma fahmin waxa dhacay, ayuu raaciyay.
Militariga Ruushka ma aysan xaqiijin ama beenin eedeymaha Ukraine.