Home News in English Shan qof oo lagu toogtay Caasimada Tel Aviv ee Israel

Shan qof oo lagu toogtay Caasimada Tel Aviv ee Israel

0
Foto: Oded Balilty / AP / NTB Foto: NTB

Nin hubaysan oo watay mooto ayaa rasaas ku furay xaafada Bnei Brak ee Tel Aviv Talaadadii, shan qofna ayaa ku dhintay, sida ay sheegeen booliiska iyo adeegyada caafimaadka Israel.

Booliska ayaa war ay soo saareen ku sheegay in wax yar ka dib dhacdadaasi in baaritaan horudhac ah uu muujinayo in dembiilaha uu ku hubeysnaa qoriga darandooriga u dhaca ah, waxaana uu rasaas ku furay dad wadada marayay ka hor inta uusan boolisku toogan.

– Nasiib darro waxaan ku wargelin karnaa in shan qof la dilay, ayuu yiri hoggaamiye Eli Bin oo ka tirsan adeegga ambalaasta Magen David Adom oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Sida uu qoray wargeyska Haaretz , toogashadu waxay ka dhacday laba meelood oo kala duwan oo ku yaalla xaafadda Bnei Brak, oo caan ku ah dadka Yuhuudda ah ee xagjirka ah. Bin wuxuu sheegay in afar qof lagu dilay laba meelood oo kala duwan oo ku yaalla duleedka.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa qortay in dadka degan Bnei Brak iyo magaalada dariska la ah ee Ramat Gan ay booliska u sheegeen in nin uu rasaas ku furay dhowr qof. Sida laga soo xigtay saxafiyiinta.

Booliisku wali ma sheegin cidda uu yahay ninka falkan geystay, balse warbaahinta gudaha ayaa qortay in ninkan uu yahay nin Falastiini ah. Ilaa hadda lama oga in ninkan uu keligiis u dhaqmay iyo in kale mana jirto cid ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here