Home News in English Mareykanka oo ciidamo iyo diyaarado badan u wareejinaya bariga Yurub

Mareykanka oo ciidamo iyo diyaarado badan u wareejinaya bariga Yurub

0
Photo/TT

Mareykanka ayaa dhowr diyaaradood oo dagaal iyo ciidamo u wareejinaya Bariga Yurub, oo ay ku jiraan 200 oo Marines ah oo ka qeyb qaatay dhoolatuska qaboobaha ee Yurub, una wareejinaya Lithuania.

“Ciidamada Mareykanka waxa ay u rarayaan diyaarado dagaal iyo askar badan bariga Yurub, halka uu Ruushka wado dagaalka ka dhanka ah Ukraine,” ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka John Kirby habeenimadii Talaadada.

Marka laga soo tago 200 oo askari oo Norway ku sugnaa intii lagu jiray dhoolatuska Qabow horaantii bishii March, toban diyaaradood oo F/A-18 Hornet ah iyo “wax yar” C-130 Hercules ayaa sidoo kale loo wareejin doonaa bariga Yurub, ayuu yiri Kirby.

Lama oga halka la geyn doono, balse sida laga soo xigtay Pentagon-ka, waxaa la rari doonaa dhawaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here