Waa mid ka mid ah la-taliyayaasha madaxweyne Volodymyr Zelensky, Oleksy Arestovich, kaasoo Jimcihii sheegay in General Yakov Ryanzantsev lagu dilay weerar ka dhacay Ukraine meel u dhow Chernobayevka oo u dhow Kherson. Hadalka ayaa laga duubay muuqaal.
Toddobaadkii hore, Arestovych wuxuu sheegay in Jeneraal kale, Andrei Mordvichev, lagu dilay isla garoonka diyaaradaha, oo u dhow tuulada Chernobayevka.
Waxay ahayd markii shanaad ee mas’uuliyiinta Ukraine ay sheegaan inay dileen sarkaal sare oo Ruush ah tan iyo markii Ruushku uu gudaha u galay Ukraine 24-kii Febraayo. Xogtan ma aysan xaqiijin ilo madax banaan iyo Ruushka toona.
Kherson ayaa aheyd magaaladii ugu horeysay ee ciidamada Ruushka ay la wareegaan gacan ku heynta kadib markii ay weerareen Ukraine bil ka hor. Dhowr qof oo ku nool magaalada ayaa goor dhow u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inay habeen walba maqlayaan dhawaqa dagaal ba’an oo ka imaanaya Chernobayevka.
Toddobaadkii hore, madaxweynaha Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay in Chernobay ay “ku baabba’i doonto taariikhda dagaalka.”